Xubin hore uga tirsaneyd guddiga maamulka OpenAI oo sheegtay in Elon Musk uu u soo bandhigay inuu ugu deeqo shahwo

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
- Author, Lily Jamali
- Role, North America Technology correspondent
- Author, Kali Hays
- Role, Technology reporter
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Xubin hore oo ka tirsaneyd guddiga OpenAI ayaa sharraxday sida xiriirkeeda gaarka ah ee aan caadiga ahayn ee ay la lahayd Elon Musk uu ugu dambayn u noqday inay u dhasho afar carruur ah.
Shivon Zilis ayaa saacado badan ka marag furtay maxkamad federaal ah oo ku taalla Oakland, California Arbacadii, taas oo qayb ka ahayd dacwad uu Musk ku doonayo inuu dib uga noqdo isbeddelka OpenAI ee ku aaddan noqoshada shirkad faa'iido-doon ah.
Ujeeddada in Zilis ay kasoo muuqato dacwadda marag-furka waxay ahayd doorkeeda tooska ah ee wada-hadalladii hore ee ay la lahayd Musk ee ku saabsanaa in shirkaddu noqoto mid faa'iido-doon ah, iyo sidoo kale sida ay ula shaqeysay Musk isla markaana ay xiriir ula yeelatay intii ay talo bixin siinaysay OpenAI.
"Weli si dhab ah ayaan u doonayay inaan noqdo hooyo, Elon-na wuxuu ii soo bandhigay arrintaas waqtigaas, aniguna waan aqbalay," ayay tiri, iyadoo sharraxaysa in Musk sannadkii 2020 uu u soo bandhigay inuu ugu deeqo shahwo.
"Wuxuu dadka ku xeeran dhammaantood ku dhiirrigelinayay xilligaas inay carruur dhalaan, wuxuuna ogaaday inaanan anigu lahayn carruur. Wuxuu ii soo bandhigay inuu deeq bixiyo," ayay Zilis tiri.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Shivon Zilis waxay muddo ka badan 15 sano ka shaqaynaysay maalgashiga ganacsiyada cusub ee Silicon Valley, waxayna ka qabatay jagooyin sare oo fulineed shirkadda baabuurta ee Musk, Tesla, iyo shirkaddiisa tiknoolajiyadda neerfaha ee Neuralink.
Waxay ku biirtay OpenAI iyadoo la-taliye ah sannadkii 2016, wax yar ka dib aasaaska shirkadda, jagadaas oo ay sheegtay inay tahay sida ay markii ugu horreysay ula kulantay Musk.
Iyadoo la tixgelinayo doorka ay ku lahayd shirkadaha Musk iyo OpenAI, oo ay ugu dambayn noqotay agaasime OpenAI intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023, waxay ka tahay markhaati muhiim ah dacwadda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qareennada OpenAI waxay soo jeediyeen inay Zilis macluumaad ka gudbineysay OpenAI una gudbineysay Musk ka dib markii uu ka tagay shirkadda AI sannadkii 2018, taas oo uu isagu ka mid ahaa aasaasayaasheeda isla markaana uu hore u taageeray dhaqaale ahaan.
Zilis waxay sheegtay inay xiriir jaceyl oo hal mar ah la yeelatay Musk qiyaastii toban sano ka hor, balse aysan xiriir jaceyl la lahayn sannadkii 2020, xilligaas oo Musk markii ugu horreysay usoo jeediyay inay carruur u dhasho.
Waxay sharaxday inay la tacaalaysay arrimo caafimaad oo gaar ah oo wax ka beddelay qorshaheedii hore ee ahaa inay raacdo dariiq nololeed oo caadi ah oo ay ku jirto guur dhex mara lammaane oo ay caruurna u dhasho.
Qorshaheedii hore ee ku saabsan doorka Musk ee nolosha labada carruur ee ugu horreysa ee ay u dhashay ma ahayn inuu noqdo aabbe si firfircoon uga qayb qaata noloshooda, waxaana labadoodu ku heshiiyeen in aabbenimada Musk loo ilaaliyo si "aad u qarsoodi ah."
Maanta, ayay sheegtay, Musk inuu si firfircoon uga qayb qaato nolosha afarta carruur ee ay u dhashay iyada, iyagoo toddobaadkii dhowr saacadood wada qaata sida qoys ahaan.
Zilis waxay tiri heshiiska qarsoodiga ee ay la lahayd Musk ayaa sabab u ahaa inay u sheegi weydo madaxa fulinta OpenAI Sam Altman in mataano ay dhashay sannadkii 2021 uu Musk aabbahood yahay.
Waxay Altman u sheegtay sannadka xigay, markii ay ogaatay in warbixin Business Insider ah oo ku saabsan aabbenimada Musk ee carruurtaas ay soo bixi doonto.
Si kastaba ha ahaatee, Altman iyo madaxweynaha OpenAI Greg Brockman waxay doonayeen in Zilis ay sii joogto guddiga shirkadda AI. Zilis waxay Arbacadii sheegtay in saddexduba ay weli saaxiibbo ahaayeen ugu yaraan ilaa 2023.
Markii hore ee toddobaadkan la weydiiyay ku lug lahaanshaha Zilis ee OpenAI sannado badan ka dib bixitaankii Musk, Brockman wuxuu yiri: "Waxaan ku kalsoon nahay inay xakamayn karto iskahorimaadka Elon."
Zilis waxay ka baxday guddiga bishii Maarso 2023, xilli Musk uu bilaabay xAI, oo ah shirkad AI oo horumarinaysa chatbot toos ula tartamaya aaladda ChatGPT ee OpenAI.












