Sheekada xanuunka badan ee haweeney la nool HIV muddo 30 sano ah

Xigashada Sawirka, Photo by Margaret Lavonga
Margaret Lavonga, oo ah haweeney 55 jir ah oo leh laba carruur ah, ayaa la noolayd cudurka HIV muddo ka badan 30 sano.
"Waxaan ogaaday inaan qabo fayraska anigoo uur leh kadib markii aan sameeyay baaritaan, waxaana markii hore la ii sheegay in natiijadaydu tahay negative."
Waqtigaas, jirro ama in lagaa helo HIV waxay ahayd arrin aad looga baqo sababo la xiriira ceebeynta iyo takooridda la socotay cudurka.
"Waxay ahayd xilli meel kasta lagu dhejiyay boorar muujinaya qalfoofyo iyo lafo bini'aadan ah. Markii la ii sheegay inaan qabo fayraska, waxaan u qaatay inaan dhiman doono maalinta xigta."
Markii Margaret laga helay HIV, daawooyinka ka hortagga fayraska weli ma aysan soo gaarin Kenya. Taasi waxay ku qasabtay inay qarsato xaaladdeeda caafimaad ilaa ay ka umushay sannadkii 1999. Nasiib darro, wiilkeedii ayaa geeriyooday laba bilood kadib dhalashadiisa.
"Dhalmada isbitaalka aad bay u adkayd. Qof walba wuu ka cabsanayay inuu ii soo dhowaado, iyagoo ka baqayay inay qaadaan HIV."
Margaret waxay xasuusataa in cabsi badan iyo faham la'aan ku saabsan HIV ay ka jirtay xilligaas, taas oo keentay in bukaanno badan ay la kulmaan takoor iyo kalsooni-darro xitaa goobaha caafimaadka.
Waxay sheegtay in waayo-aragnimadaas ay ahayd mid xanuun badan, maadaama dadka ku hareeraysnaa ay ka fogaayeen halkii ay taageero iyo daryeel siin lahaayeen.
Kadib dhacdadaas, Margaret caafimaadkeedu aad buu u xumaaday. Muddo laba sano ah ma aysan awoodin inay sariirta ka kacdo, waxaana daryeeli jirtay walaasheed oo fahamsanayd xaaladdeeda caafimaad.
Waxay marar badan ku dhacday isbitaal, iyadoo la tacaalaysay dhibaatooyinka la xiriira HIV iyo jirka oo aad u daciifay.
Nasiib wanaag, Margaret waxay ka mid noqotay dadkii ugu horreeyay ee Kenya ka helay daawooyinka la siiyo dadka la nool HIV.
Helitaanka daawooyinkaas ayaa si weyn u beddelay nolosheeda, iyadoo caafimaadkeedu si tartiib tartiib ah u soo hagaagay, una suuragelisay inay sii noolaato oo ay maareyso cudurka muddo dheer.

Xigashada Sawirka, Photo by Margaret Lavonga
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kiiskii ugu horreeyay ee HIV waxaa laga soo sheegay Kenya sannadkii 1984, waxaana dadka xilligaas laga helay cudurka loo arkayay in cimrigoodu aad u kooban yahay.
Dad badan ayaa la kulmay takoor, go'doomin uga timid qoysaskooda iyo saaxiibbadood, halka carruur badanna ay agoomoobeen kadib markii ay waayeen waalidkood.
Laakiin waxaa jira dad la mid ah Margaret Lavonga oo HIV laga helay sannadkii 1999, kuwaas oo la noolaa cudurka in ka badan 30 sano, isla markaana maanta gaboobaya iyagoo qaba fayraska.
Margaret waxay sheegaysaa in safarkeedii isticmaalka daawooyinka ka hortagga HIV-ga (ARVs) aanu sahlanayn.
"Bilowgii waxaa nala siin jiray saddex nooc oo daawooyin ah. Daawooyinkaas aad bay u xoog badnaayeen, waxayna lahaayeen waxyeellooyin badan. Mararka qaarkood haddii aad qaadato waxaad arki jirtay riyooyin aan caadi ahayn ama mala-awaal, mana dareemi jirin inaad tahay qofkii caadiga ahaa."
Waxay intaas ku dartay:"Waxaan oran karaa dadka maanta laga helo fayraska way nasiib badan yihiin, sababtoo ah daawooyinka ay qaataan hadda ma laha waxyeellooyinkii culus ee annaga nagu dhici jiray."
Margaret waxay noo sheegtay in ka hor intaanay bilaabin qaadashada daawooyinka, ay isu diyaarisay geeri, maadaama ay lumisay 34 kiiloogaraam oo miisaan ah. Markii waalidkeed maqleen xaaladdeeda caafimaad, waxay bilaabeen diyaarinta aaska iyagoo filayay inay geeriyoon doonto.
Si kastaba ha ahaatee, helitaanka daawooyinka ARVs ayaa gebi ahaanba beddelay nolosheeda, taas oo u suurtagelisay inay sii noolaato muddo dheer inkastoo ay la nooshahay HIV.

Xigashada Sawirka, Photo by Margaret Lavonga
Waxaa jiray xilli Margaret ay joojisay qaadashada daawooyinkeeda, iyadoo aaminsanayd inay bogsatay isla markaana ku tiirsanayd ducada. Hase yeeshee, caafimaadkeedu si degdeg ah ayuu mar kale u xumaaday, taas oo ku qasabtay inay dib ugu noqoto qaadashada daawooyinka, waxaana ay si joogto ah u qaadanaysaa ilaa maanta.
Fayraska HIV wuxuu weeraraa unugyada dhiigga cad, isagoo daciifiya difaaca jirka. Taasi waxay qofka u sahlaysaa inuu qaado cudurro kale sida Qaaxada iyo xanuunno kale oo ka faa'iidaysta difaac-jirka oo daciif ah.
Laakiin la noolaanshaha iyo gabowga iyadoo HIV qabta waxay leedahay caqabado u gaar ah.
"Inkastoo aan hadda geesinimo u leeyahay inaan ka hadlo cudurkan, haddana mararka qaarkood waxaan isku xiraa qolkeyga oo waan ooyaa. Mararka qaarkood waxaan is iraahdaa haddii aanan fayraskan qabin, waxaa laga yaabaa inaan nolosha horumar badan ka gaari lahaa."
Caqabadda ugu weyn ee ay hadda wajahdo waa xanuunnada gabowga oo uga sii daran sababo la xiriira inay HIV qabto.
"Waxaan hadda qabaa xanuunka kala-goysyada ,dhiig-karka, iyo dhibaatooyin indhaha ah. Dadka badankood xanuunnadan waxay ku dhacaan marka ay da' noqdaan, laakiin annaga HIV-ga nala nool, waxay noogu yimaadaan si ka daran dadka kale."
Waxay sheegtay in qaadashada daawo maalin kasta aysan fududayn.
"Mararka qaarkood waxaan jeclaan lahaa inaan ka nasto qaadashada daawooyinka, laakiin waxaan haystaa dad i taageera oo maalin kasta igu dhiirrigeliya inaan sii wado safarkan."
Kenya maanta waxaa ku nool dad badan oo qaba HIV kuwaas oo da'doodu ka weyn tahay 50 sano.
Qiyaastii 1.4 milyan oo qof oo HIV la nool gudaha Kenya, 27% ka mid ah waxay ka weyn yihiin 50 sano jir.
Riyada Margaret waa inay gaarto da'da 120 sano inkastoo ay HIV qabto.
"Waxaan walaalahayga waayeelka ah ku boorrinayaa inaysan quusan, ayna joojin daawooyinka. Aan u dhimanno gabow dabiici ah, balse yeynaan u dhiman sababta oo ah waxaan joojinay daawooyinkeennii ka dib cudurradii kale ay na saameeyeen," ayay tiri Margaret.















