Faransiiska iyo Isbaayn oo ku jira xaalad degdeg ah
Maamulada Faransiiska ayaa amar ku bixiyey in ku dhowaad 60,000 oo qof laga samatabixiyo deegaannada ku dhow magaalada Bordeaux, taasoo tirada guud ee dadka laga barakiciyey dababka kaymaha ee Faransiiska iyo Isbayn ka dhigaysa in ka badan 220,000 oo qof.
Qiyaastii 200,000 oo qof ayaa laga samatabixiyay gobollada Gironde iyo Landes ee koonfur-galbeed Faransiiska. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ciidanka milatariga u diray inay ka qayb qaataan hawlaha gurmadka iyo daminta dabka.
Dhanka kale, masuuliyiinta Isbayn ayaa ka digay in dab xooggan oo ka kacay meel u dhow magaalada Madrid uu ka baxay awoodda dab-damisyadu ku xakamayn lahaayeen, kaddib markii saddex dab oo ka holcayey galbeedka caasimadda ay isu biireen oo noqdeen hal dab oo aad u baaxad weyn.
Dowladda Isbayn ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo qaran, iyadoo 25,000 oo qof lagu amray inay ka guuraan guryahooda, halka ku dhowaad 40,000 oo kalena lagu amray inay guryahooda ku nagaadaan.
Madaxweynaha maamulka gobolka Madrid, Isabel Díaz Ayuso, ayaa dabkan ku tilmaantay kii ugu xumaa ee abid soo mara gobolka, iyadoo sheegtay in xaaladdu ay isu geysay kuleyl aad u daran, dabaylo xooggan oo aan kala go' lahayn iyo dhowr jiho oo dabku isku mar uga soo faafayo.
Adeegyada gurmadka degdegga ah ee Isbaanishka ayaa sheegay in dabku ku sii fidayo degmooyinka Robledo de Chavela iyo Fresnedillas de la Oliva, kuwaas oo qiyaastii 50 kiiloomitir u jira Madrid.
Madaxa waaxda gurmadka degdegga ah ee gobolka Madrid, Carlos Novillo, ayaa sheegay in dabku hadda marayo heerkii ugu sarreeyey, isla markaana uu ka baxsan yahay awoodda dab-damisyada.
"Waqtigan suurtagal ma aha in dabka si toos ah loola dagaallamo goobaha qaarkood, sidaas darteed waxaa la qaadayaa tallaabooyin difaac ah," ayuu yidhi.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee Milatariga (UME) ayaa loo diray goobta si ay u joojiyaan fiditaanka dabka, iyagoo diiradda saaraya badbaadinta deegaannada ku dhow magaalada El Escorial.
Masuuliyiintu waxay sidoo kale la socdaan dab kale oo ka kacay gobolka Ávila, halkaas oo laga cabsi qabo in dabka weyn ee Burgohondo uu ku darsamo dabka Madrid.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Isbaanishka, Fernando Grande-Marlaska, ayaa sheegay in dowladdu ay samaynayso wax kasta oo suuragal ah si looga hortago in labada dab ayna isugu biirin.
Wakiilka dowladda ee Madrid, Francisco Martín, ayaa ka digay in tirada dadka la daadgureynayo ay sii kordhi karto, maadaama dhuxusha dabka ka hadhay ay masaafooyin fog ku duulayso, dabkuna uu si degdeg ah ugu boodboodayo deegaanno kale.

Duqa degmada El Tiemblo ee gobolka Ávila, Arturo Varas González, ayaa sheegay in dabku uu masaafo dhan 20 kiiloomitir ku faafay wax ka yar nus saac, isaga oo ka soo gudbay Navaluenga kuna fiday Dooxada Iruelas.
"Wuxuu ahaa wax laga argagaxo," ayuu yidhi.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in ugu yaraan 6,000 hektar oo dhul ah ay ku gubteen gobolka Madrid, halka dabka Ávila uu baabi'iyey ku dhowaad 9,000 hektar.
Siddeed degmo ayaa si buuxda looga daadgureeyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin Chapinería, Navas del Rey, Colmenar del Arroyo, Fresnedillas de la Oliva, Robledo de Chavela, Aldea del Fresno, Navalagamella iyo Zarzalejo.
Magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin San Martín de Valdeiglesias, Pelayos de la Presa iyo Villa del Prado ayaa weli ku jira bandow iyo xanibaad adag.
"Haddii aad isku daydo in aad wajahdo, wuu ku fuuqsanayaa"

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ecologio Cabrera oo 86 jir ah ayaa lagu khasbay inuu ka qaxo tuuladiisa oo galbeedka Madrid ku taalla.
"Haddii aadan ka cararin oo aad isku daydo inaad la dagaallanto, dabku wuu ku fuuqsanayaa," ayuu u sheegay wakaaladda AFP isaga oo ku sugan hool lagu dheelo ciyaaraha oo ku yaalla Vilamanta, halkaas oo boqollaal qof oo la samatabixiyay ay gabaad ka dhigteen.
Qoyskiisa ayaa isku dayey inay gurigooda badbaadiyaan iyagoo biyo ku buufinaya ilaa ay dab-damisyadu yimaadeen.
"Markii ay yimaadeen waxay nagu amreen inaan si degdeg ah uga baxno. Noloshayda weligay wax sidan oo kale ah ma arag," ayuu yiri.
Madaxweynaha gobolka Madrid, Isabel Díaz Ayuso, ayaa sheegtay in xaaladdu tahay mid aan hore loo arag oo masiibo ah, mudnaanta ugu weynna ay tahay badbaadinta nolosha dadka.
Ra'iisul Wasaaraha Isbaayn, Pedro Sánchez, ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarunta isku-duwidda hawlaha gurmadka subaxnimada Sabtida.
Horaantii Jimcihii, wuxuu sheegay in shacabka ay ku jiraan xaalad aad u murugo badan, wuxuuna ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.
Booliiska Madaniga ah ee Isbayn ayaa hal qof xidhay, qof kalena baadhitaan ku wada, iyadoo la tuhunsan yahay in dabka Burgohondo uu ka dhashay dayacaad la xidhiidha isticmaalka mashiinno culus xilli ay jireen xayiraado lagu mamnuucay hawlaha dabka dhalin kara.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dabka 'XXL' ee Faransiiska
Koonfur-galbeed Faransiiska, qiyaastii 200,000 oo qof ayaa laga samatabixiyay kaddib markii dabab waaweyn ay ku fideen gobollada Gironde iyo Landes.
Saacadihii hore ee Sabtidii, afar magaalo oo ku dhow Bordeaux ayaa si taxaddar leh looga daadgureeyey. Magaalooyinkan ayaa ah Saint-Médard-en-Jalles, Saint-Jean-d'Illac, Martignas-sur-Jalles iyo Saint-Aubin de Médoc, kuwaas oo ay ku nool yihiin 58,400 oo qof.
Dabka Gironde, oo ay masuuliyiintu ku tilmaameen "dab XXL" oo aad u baaxad weyn, ayaa gubay in ka badan 19,000 hektar oo kayn ah, isla markaana burburiyey ku dhowaad 80 guri.
Masuuliyiintu waxay sidoo kale samatabiyeen dhammaan dadkii jasiiradda Cap Ferret ee xeebta koonfur-galbeed Faransiiska, iyadoo boqollaal qof ay doomo kaga baxsadeen dabka ku fiday goobtaasi oo ah meel caan ku ah dalxiiska.
Inkasta oo dadka deggan Cap Ferret ay caadiyan ka yar yihiin 8,000 oo qof, haddana tiradoodu waxay xilliga fasaxyada xagaaga gaartaa in ka badan toban jibbaar.
Madaxa dab-damiska iyo gurmadka, Marc Vermeulen, ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta ay ka sii daran tahay dababkii ba'naa ee gobolkaasi ka kacay sannadkii 2022, maadaama abaarta jirtaa ay dabka u saamaxday inuu sii socdo habeenkii oo dhan.
"Weligay ma arag dab noocan oo kale ah oo awooddiisa dabaysha iyo kulaylku ay si joogto ah u sii xoojinayaan," ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska, Laurent Nuñez, isaga oo intaas ku daray in ku dhowaad 50 dab-demiye ay ku dhaawacmeen hawlgallada.
Wuxuu sheegay in dabku uu si iskiis ah isu sii hurinayo isla markaana uu marba jiho u leexanayo, isagoo fiidnimadii Jimcaha u dhaqaaqay dhinaca magaalada Bordeaux.
"Waxaan dib u habayn ku samayn doonaa qorshaha hawlgalladayada si aan uga hortagno inuu gaaro Bordeaux," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka koonfureedna, dab kale oo ka kacay meel u dhow Biscarrosse ee gobolka Landes ayaa ku khasbay in ka badan 23,000 oo qof inay ka baxaan guryahooda, goobaha dalxiiska, xarun daryeelka waayeelka iyo xero carruurta loogu qabto fasaxyada xagaaga.
Masuuliyiinta gobolka Landes ayaa sheegay in dabkaasi aan la filayn inuu bakhtiyo dhammaadka Jimcaha, iyadoo dabaylaha ay gaarayeen 50 kiiloomitir saacaddii, halka heerkulka hawaduna uu u dhexeeyey 36 ilaa 37 darajo Celsius.
Duqa degmada Lège-Cap Ferret, Philippe de Gonneville, ayaa sheegay in gobolkaasi uu muddo bil iyo badh ah la daalaa dhacayey xaalado cimilo oo aad u daran, oo ay ka mid yihiin roob la'aan iyo kuleyl ka sarreeya heerarkii caadiga ahaa.
"Waa wax aan hore loo maqal. Annaga iyo dab-damisyaduba weligeen ma arag xaalad sidan oo kale ah," ayuu yiri.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in xaaladda dababka kaymaha ee dalka ay tahay mid aad u cakiran, gaar ahaan gobolka Gironde.
Wuxuu sheegay in Faransiisku uu hawlgeliyey nidaamka gurmadka rayidka ee Midowga Yurub, isla markaana uu heli doono taageero dheeraad ah, oo ay ku jiraan laba diyaaradood oo qummaati u kaca oo nooca Black Hawk ah oo ka imanaya Jamhuuriyadda Czech iyo Slovakia.
Kuleyl iyo cimilado daran oo ka jirta koonfurta Yurub
Midowga Yurub ayaa diyaarado iyo diyaaradaha qummaatiga u kaca u diray Faransiiska iyo Isbaanishka si ay uga qayb qaataan daminta dababka, iyadoo inta badan koonfurta Yurub ay la tacaalayso mowjado kuleyl oo soo noqnoqday iyo abaaro daba dheeraaday.
Sida ay sheegtay Hay'adda Isbeddelka Cimilada ee Copernicus, Yurub waa qaaradda ugu dhaqsaha badan ee kulaylku u kordhayo, iyadoo tan iyo sannadihii 1980-meeyadii heerkulka qaaraddu uu laba jibbaar ka badan yahay celceliska caalamiga ah.
Kuleylka iyo abaarta sii kordhaysa ayaa yareeyey qoyaanka ku jira dhirta iyo kaymaha, taas oo ka dhigaysa shidaal dabiici ah oo dabku si fudud ugu kici karo uguna fidi karo.
Inkasta oo dabku u baahan yahay wax kiciya, sida falal bani'aadamku sababo si kama' ah ama ula kac ah ama hillaaca cirka, haddana kulaylka daran, dhirta qalalan iyo dabaylaha xooggan ayaa dabka ka dhigaya mid si degdeg ah u fida oo aad u adag in la damiyo.
Nidaamka Macluumaadka Dababka Kaymaha ee Yurub ayaa sheegay in sannadkan keliya dhulkii dabku ku gubay Yurub uu ka badan yahay celceliskii sannadlaha ahaa ee labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Hay'adda Deegaanka ee Yurub ayaa iyaduna sheegtay in isbeddelka cimiladu uu si weyn u kordhiyey khatarta dababka kaymaha ee qaaradda, iyadoo khatarta ugu badan laga filayo dalalka koonfurta Yurub.











