Maxay yihiin doonyaha yaryar ee Iiraan ee dhuunta u galay Maraakiibta Maraykanka?

.

Xigashada Sawirka, Nur Photo/ Getty Images

    • Author, Luis Barrucho
    • Role, BBC Dünya Servisi
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in ciidanka badda ee Iiraan "gabi ahaanba la burburiyay", oo ay ka soo hadheen kaliya "doonyo yaryar oo ay ku rakiban yihiin qoryaha darandooriga u dhaca".

Si kastaba ha ahaatee, doonyahan yaryar ee dheereeya oo khubaro reer galbeed ah qaar kood u bixiyeen "doonyaha kaneecada" ayaa weli loo arkaa in ay yihiin awood wax ku ool ah.

Doonyaha noocan ah ayaa bilowgii ka caawinayay Iiraan inay carqalad weyn ku keento marinka badda ee ugu muhiimsan caalamka, kaasi oo ah Marinka Hormuz.

Sida ay qabaan khubaradu, maamulka Tehraan wuxuu higsanayaa in uu cadaadis saaro dhaqaalaha caalamka isaga oo carqaladaynaya ganacsiga caalamiga ah iyo shixnadaha tamarta si uu Washington ugu khasbo in ay soo afjarto dagaalka ay kula jirto Iiraan.

Haddaba, waa maxay "doonyaha kaneecada", sidee se u noqon karaan kuwo saamayn weyn leh?

"Khalkhalgelin, weeraro koox-koox ah iyo abuurista jahawareer"

Guutada doonyaha dheereeya ee weerarka loo adeegsado ee Iiraan, kuwaas oo ka kooban doonyo yaryar ayaa la aasaasay 1980-meeyadii intii uu socday Dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq.

Intii uu dagaalku socday, iska horimaadyadu waxay ku baaheen Gacanka Faarsi, xilligii uu socday "Dagaalkii Haamaha Shidaalka" ee uu Mareykanku soo faragaliyay si uu u ilaaliyo gaadiidka shidaalka qaada.

Intii ay socdeen iska horimaadyadii ay la galeen Ciidanka Badda ee Mareykanka, Iiraan waxay aragtay in khasaare lixaad leh loo geystay ciidankeeda badda ee rasmiga ah.

Intaa ka dib, Iiraan waxay dajisatay caqiido dagaal oo cusub oo ku saabsan doonyaha yaryar ee weerarka, si ay uga hortagto ciidammada badda ee ka sarreeya dhanka tiknoolajiyada iyo ciidanka.

Xeeladdan kuma koobna oo kaliya doonyaha dheereeya.

Waxa qayb ak ah hannaanka millatari ee Iiraan, waxaa sidoo kale la isticmaalaa gantaalaha, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, miinada badda, dhuumaha gantaalaha ee xeebaha, iyo weerarrada ka dhanka ah wadamada dariska ah.

Saeid Golkar oo ah lataliye sare oo ka tirsan Isbahaysiga Iska Caabbinta Iiraan, ahna borofisar ku-xigeen ka tirsan Jaamacadda Tennessee ayaa sheegay in guutadan doonyaha ah ee ay maamusho Ilaalada Kacaanka loogu talagalay "khalkhalgelin, weeraro koox-koox ah, abuurista jahawareer iyo isku dhexyaac"aan loogu talagalin dagaallada badda ee caadiga ah.

Sida uu qabo Golkar, Iiraan waxay la socotaa inaysan Mareykanka kaga guuleysan karin dagaal baddood oo caalami ah.

Sidaa darteed, maamulka Tehraan wuxuu ku taamayaa in uu kordhiyo khataraha amniga iyo kharashaadka shirkadaha goobtaas mara, iyadoo la beegsanayo maraakiibta ganacsiga ee haamaha shidaalka, laguna kordhinayo khatarta Marinka Hormuz.

Xeeladaha ay adeegsadaan

.

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khuburada ayaa tilmaamaya in xeeladaha ugu waaweyn ee guutadan ay ka mid yihiin in rasaas lagu rido meel u dhow maraakiibta ganacsiga, in miinooyin lagu aaso badda iyo in doonyaha dheereeya loo diro qaab koox-koox ah iyaga oo ka imaanaya jihooyin kala duwan.

Doonyahan ayaa inta badan ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca, gantaalaha garbaha laga rido ama gantaalaha lidka maraakiibta.

In ka badan kala badh doonyahan ayaa lagu naqshadeeyay laguna farsameeyay gudaha Iiraan, halka qaar kalena ay yihiin doonyo rayid ah oo ay ka mid yihiim doonyahii hore ee kaluumeysiga oo dib loo habeeyay si millatari ahaan loogu isticmaalo.

Can Kasapoğlu, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Hudson oo ah xarun falanqayn oo u janjeerta dhanka xisbiga muxaafidka ah oo ku taal Washington ayaa warbixin uu dhowaan soo saaray ku sheegay in doonyahan ay yihiin kuwo kharashkoodu yar yahay, si fududna lagu beddeli karo kuwa kale.

Khuburrada ayaa sheegaya in ujeeddada rasmiga ah ee Iiraan ay tahay in ay cadaadis saarto Washington, iyo sidoo kale in ay ka hortagto weerarada lagu soo qaado Tehraan, kuna khasbato Mareykanka in uu soo afjaro dagaalka.

Maadaama doonyahan badankoodu ay ku socdaan heer aad ugu dhow biyaha, raadaaradu waxay ogaan karaan oo kaliya marka ay aad u soo dhowaadaan.

Saa darteed, si loola socdo, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo kormeer joogto ah oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, helikobtarrada, iyo diyaaradaha roondada.

Baaxadda rasmiga ah ee guutadan la garan maayo. Sababtoo ah tiro badan oo doonyahan ah ayaa ku qarsoon godadka, gacanka badda, iyo marinnada dhulka hoostiisa ah ee ku yaal dhanka xeebaha koonfureed ee Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay qiyaasayaan khuburadu, Iiraan waxay gacanta ku haysaa inta u dhaxaysa 500 ilaa 1000 doonyaha dheereeya ah.

Maamulka Iiraan wuxuu weli sii wadaa samaynta dhoollatusyo millatari oo joogto ah oo ay ka qayb qaadanayaan guutada doonyahan loo bixiyay "doonyaha kaneecada."

Maxay ka tari karaan dagaalka?

.

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

Qoraalka sawirka, İran'ın sivrisinek filosunu Devrim Muhafızları yönetiyor

Madal lagula socdo xaaladaha rasmiga ah ee Marinka Hormuz ayaa muujinaysa in qiyaastii 10 markab oo kaliya ay maalinkii maraan aaggaasi. Tani waxay ka dhigan tahay qiyaastii boqolkiiba siddeed ay noqonayso, marka loo eego celceliska caadiga ah ee ahaa 60 markab maalinkii.

Sida ay sheegtay kooxda Ciidanka Badda ee Ingiriiska oo la socota gobolka, isu-socodka guud wuxuu weli ka hooseeyaa heerarkii dagaalka ka hor boqolkiiba 90% wax ka badan.

Markii Mareykanka, Israa'iil iyo Iiraan ay ku heshiiyeen xabbad-joojin 8-dii Abriil, waxaa jirtay koror kooban oo ku yimid maridda maraakiibta. Laakiin maalmo kaddib, soo kabashadaas dib ayay u noqotay markii Mareykanku uu cunaqabatayngaar ah ku soo rogay Iiraan.

Weerarada ka dhaca Marinkaasina way sii socdaan.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Ingiriiska (UKMTO) oo la socota jidadka maraakiibta caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday in markab siday qalab oo marayay qiyaastii 23 mayl-badeed (43 km) waqooyi-bari ee Dooxa uu "ku dhacay shey aan la garanayn", taas oo keentay dab kooban in uu qabsado balse ma jirin wax khasaare nafeed ah.

Wakaaladda wararka ee Fars ee Iiraan ayaa markii dambe sheegtay in markabkaas uu ku gooshayay calanka Mareykanka.

Ururka Caalamiga ah ee Badda ee Qaramada Midoobay ayaa qiyaasaya in ku dhow 1,500 oo maraakiib ah iyo 20 kun oo shaqaale markab ah in ay saameeyeen go'doomintani.

Hoos u dhaca ku yimid mugga shidaalka ee mara Marinka Hormuz ayaa door weyn ka qaatay wax ay falanqeeyayaasha qaar ku tilmaameen cabsidii ugu weyneyd ee saadka shidaalka ee taariikhda soo marta, iyo in qiimaha shidaalku uu gaadho heerar ku dhow kii ugu sarreeyay abid.